KHIYAALI: ”Sidee doorasho 4 sano lagu qaban waayey loogu qabanayaa 2 sano gudohood?”

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2021 – Soomaalidu waa kala bislaatay ee mawada bisla. Qaar badan oo kamid ah Soomaalida wali uma bisla sareynta sharciga iyo ka fogaashaha wixi shalay lagu halaagmay.

SHALAY: 21.10.1969 ayaa ciidanki ilaalin lahaa sharciga, inta uu damac qaaday boobeen taladi dalka, maalintaas cid yac dhahdo waala waayay oo xarig iyo magac-dil beey isugu dareen madaxdi dalka.

MAANTA: 12.04.2021 Waxa xildhibanadi ilaalin lahaa sharciga oo uu waqtigu ka dhacay, inta uu damac qaaday boobeen taladi dalka, maanta cid kasta oo yac dhihi karta waa la caayayaa, waana la beegsanayaa.

Inta ay jiraan madax xiiso u qaba kursi la boobo, ama shacab guul u arka, waxaan dhihi karaa Soomaalidu ma wada bislaan, ee waa kala bislaatay.

4 sano oo dalka iyo dadku sidan isaga dhowyihiin ayuu Maxamed Cabdullahi Farmaajo
doorasho qaban waayay, soow la yaab ma ahan in 2 sano doorasho looga sugo?!

Xalku wuxuu ku jiraa in ay kaalintooda qaataan wax garadka aan xil iyo xoolo ka dooneynin siyaasadda ee u naxaya dalka iyo dadka.

Waxaa Qoray: Ayaanle Xuseen Cabdi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media