Turkish Airlines oo dib u howlgelinaysa dayuuraddii shilka badnayd ee Boeing 737 Max (Duullimaadka u horreeya?)

0

(Ankara) 10 Maarso 2021 – Sharikadda Duullimaadyada Turkish Airlines ayaa dib u howlgelin karta dayuuradda Boeing 737 Max kaddib markii ay rukhsad ka heshay Hay’adda Duullimaadka Turkiga.

Dayuuradda Boeing 737 Max ayaa dunida oo idil laga fariisiyey bishii Maarso 2019-kii kaddib markii ay gashay 2 shil oo lagu dhamaaday, gaar ahaan dayuuradaha Indonesia iyo Ethiopia kuwaasoo ay guud ahaan ku dhinteen 346 qofi.

Dayuuradda Boeing ayaa sheegtay inay bixisay cillado ka taagnaa xakamaynta dayuuradda bishii Nofeembar ee sanadkii tegey, iyadoo ay dayuuradaha qaar duullimaadyada soo celiyeen bishii Diseembar kaddib 20-bilood oo ay hakad ku jireen.

Turkish Airlines ayaa haatan lagu wadaa inay dhaqse u howlgeliso raxanteeda Max iyadoo duullimaadka koowaad uu 12-ka bishan Abriil isku xiri doono Istanbul iyo caasimadda Ankara, sida ay Reuters ilo wargal ah kasoo xigatey. Shirkadda ayaase diiddey inay arrintan ka hadasho.

Hay’adaha Duullimaadyada Rayidka ah ee Maraykanka, Yurub,, Canada, Brazil iyo Imaaraadka ayaa iyagu horay u fasaxay duullimaadyada dayuuraddan oo ay dadku cabsi badan ka qabaan.

Hadalsame Media