Ruushka oo ka hadlay inay isbahaysi ciidan la samaysan karaan Shiinaha xilli ay NATO dumayso ciidankii ugu badnaa qarnigan

0

(Moscow) 10 Maarso 2021 – Waloow ay Moscow iyo Beijing ay si isasoo tarayso u samaysanayaan xiriir dhow, misna waxay sheegeen inaysan diyaar u ahayn inay samaystaan isbahaysi rasmi ah oo reer Bari ah, si ay uga hortagaan baloogga Galbeedka ah ee NATO, sida uu sheegay Ruushku.

Wasiir Dibadeedka Ruushanka, Sergey Lavrov, ayaa warfidiyeenka u sheegay in “xiriirka Ruushka iyo Shiinuhu uu gaarey halkii ugu sarreeysey taariikhda” balse aanay taasi keeni doonin inay samaystaan isbahaysi ciidan oo rasmi ah.

Lavrov ayaa sidoo kale kasoo horjeestey hadallada sheegaya in la dhisayo “isbahaysi Carbeed oo la yiraahdo ”Arab NATO”, kaasoo la fahamsan yahay inay Israel ka dambayso si loogu jiheeyo Iiraan iyo ciddii kale oo la doono, taasoo uu Ruushku ku tilmaamay mid keeni doonta ”natiijo caksi ah.”

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in NATO aysan waxba ka gelin arrinta Crimea oo ay ka goosteen dalka Ukraine, jeer ay 20,000 oo askari iyo 17,000 oo kale oo NATO ka socdaa ay ka qayb gelayaan dhoollatuskii ugu waynaa qarniga 21-aad ee ay NATO ku samayso agagaarka Ruushka.

Hadalsame Media