Madaxtooyada oo ciyaar ay fooska lahayd isku foortay (Hal khalad oo lagu helay & khalad kale oo ay uga fara baxsanayso)

0

(Hadalsame) 10 Maarso 2021 – Madaxtooyada ayaa u muuqatay inay isku foortay ciyaar ay iyadu fooska lahayd, iyadoo haatan isu ekeeysiisay mid aan xal doon ahayn isla markaana wajahaysa cadaadis isa soo taraya.

XF ayaa 7-dii bishan ku dhawaaqday war aysan jeclaysan shacabka Soomaaliyeed kaddib markii ay ku dhawaaqday inuu fashilmay wada hadalladii u dhexeeyey iyaga iyo Maamul-goboleedyada dalka, waloow ay markii dambe caddaatay in waloow weli ay jireen qodobbo la isku diidanaa aanu shirku burburine lagu kala tegey biririf uu weliba dalbaday MW Farmaajo.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sebtembar iyo is fahankii 16-kii Febraayo,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

“Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.” Ayuu daba dhigay.

Ma lihi waa malaa’ig oo waxaan ogahay waxa ay shuruudo xujo ah iska soo daba saarayaan madaxda Maamul-goboleedyada ay is hayaan iyo guud ahaan ragga mucaaradka ah, balse siyaasaddu waa ciyaar sidoo kalena waa bandhig, marka waa inaan mararka qaar dhinacyo badan wax ka eegtaa oo sumcadda dhowrataa.

Waxaa haatan qaab kululaysi ah Madaxtooyada dhamayd loogu jeedinayaa inay kusoo noqdaan Shirka Teendhada iyadoo ay dadka qaar la yara sirgaxan tahay in Madaxwaynihii dalku uu golaha ka dudo halkii uu isagu wax isu jiid jiidi lahaa.

Tan kale, marka uu xaalku cakirmo hoggaanka dalka ugu sarreeya isaga ayaa laga doonayaa xalka koowaad ee la isku fahmi karo, ee looma baahna in hoggaanku meel galo kaddib isagii lagu baryo inuu shirka yimaado oo umadda soo dhex galo.

Qiyaas, haddii aabbuhu uu qol isku xiro iyada oo ay qoyska hor taallo umuur turxaan bixin u baahan ee ay carruurtu sii jahawareeraan oo ay garan waayaan cid ay sare u eegaan, amaba cid 3-aad loo baahdo si arrinta loo xalliyo, jeer aabbihii qolka laga soo barbaryayo bal si uu bannaanka mar ugu soo boxo.

Tan kale sababta beesha caalamka keenaysa waa dabaadinnimada hoggaanka dalka oo abuuray firaaq ay khasab tahay inay beesha caalamku buuxiso, marka intii waxbaa dal xor yahay iyo dood aan meesha joogin umadda lagu jahawareerin lahaa waa in la wajahaa xallinta mushkiladda taagan.

Taasi ma aha astaan hoggaamineed. Hoggaan micnihiisu waa inuu wax kasta isagu u horreeyaa ee ma aha inuu dabaadi noqdo. Fadlan yaan khaladka hore mid kale lagu sixin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media