Dowladda Somalia oo muddo dheer kaddib wax micne leh darajo ciidan ku bixisay + Sawirro

0

(Awdheegle) 09 Maarso 2021 – Somalia oo sanad kasta kaalinta 1-aad si lasii ogyahay uga gasha Liiska Dalalka ugu Musuqsan Caalamka, ayay dhibaato ka haysataa ku dhaqanka nidaamka u degsan.

Meelaha dhibka ugu daran laga dareemo waxaa ka mid ah xilalka iyo darajooyinka ciidamada oo lagu bixiyo nin jeclaysi, qabyaalad, iyo xitaa mararka qaar in beelo lasoo dumayo lagu laaluusho.

Waxay taasi keentay in Somalia uu yahay dalka qura ee dunida ay saraakiisha sare ka badan yihiin ciidankii ay xukumi lahaayeen, maadaama dal kasta inta jeneraal ama gaashaanle ee uu yeelanayo ay tahay inay saami gal toos ah la noqdaan tirada ciidanka dalkaasi leehay.

Waxaa kasii daran in jagooyin aan inta badan la siinin dad badan oo mudan sida kuwa dagaallamaya ama samaynaya howshii loo igmaday, adigoo arkaya qof qurbaha ka laabtay oo aan abid ciidan shuqul ku yeelan oo 3 sano kaddib Jeneraal ah.

Haatan waxaa dhacday arrin mudan in la dhiirri geliyo kaddib markii darajooyin iyo dallacsiin loo sameeyey Ciidanka Komaandooska Xoogga Dalka ee Gor Gor oo dhowaan iska caabiyey weerar ay kusoo qaadday kooxda Al Shabaab, dagaal ka dhacay Awdheegle.

Hadalsame Media