DF oo farriin rasmi ah u dirtay Golaha Amaanka (Arrin ay ka digtey & howl lagu muransanaa oo loo dhiibayo RW Rooble)

0

(Muqdisho) 09 Maarso 2021 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad rasmi u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

DF ayaa dul istaagtey arrimo ay ugu door roon yihiin ilaa saddex qodob oo ay warqadda ku xustay:

1- In doorashadu, sida dalalka kale ee madaxa bannaanba ay tahay arrin heer qaran ah oo Soomaaliyeed, isla markaana uu Golaha Ammaanku taageero madax-bannaanida Somalia, wadajirkeeda, iyo in shuruucda caalamiga ah ee qaba in aan la soo fara gelin ee la ixtiraamo, iyadoo wixii taa ka duwan u aragta faragelin.

2 – In Dowladdu ay saldhigga doorashada ay u aragto heshiiskii 17-kii Sebtembar iyo Heshiiskii Baydhabo, kaasoo ay ogoshahay shuruud la’aan.

3 – Si loo turxaan bixiyo cabashada ka taagan ammaanka doorashada, DF waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Hadalsame Media