Madaxwaynayaasha Gobollada Soomaalida & Cafarta oo la is hor fariisiyey (Wasiirkee loo xilsaaray?)

0

(Addis Ababa) 08 Maarso 2021 – DF Itoobiya ayaa isu keentay madaxda Maamul-goboleedyada Soomaalida iyo Cafarta kaddib dagaalkii lagu riiqmay ee KG Siti.

Madaxweynayaasha Gobolka Soomaalida, Mustafa Cagjar iyo Gobolka Canfarta Itoobiya Awol Arba ayay wada-hadallo uga bilowdeen Addis Ababa.

Dagaallada labada dhinac dhexmaray midkii ugu dambeeyey oo ay in ka badan 100 qofi ku dhinteen ayaa salka ku haya muranka dhuleed labada gobol u dhexeeya, iyadoo ay Cafartu dhul ballaarsi doonayso.

Dowladda Federaalka Itoobiya oo labada maamul dhexdhexaadinaysa ayaa wada hadalladan u xilsaartay Haweeneyda Wasiirka Nabadda ka ah Itoobiya, Marwo Muftiyar Kaamil.

Hadalsame Media