DARAASAD: Dumarka raggooda dila ama waxyeelleeya oo aad usoo kordhaya & waxa kula gudboon

0

(Nairobi) 08 Maarso 2021 – Haweenka ayaa badanaa loo arkaa kuwa dhibka ku qaba murannada qoyska, balse marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyey, ragga ayaa noqday dhibanayaasha cusub sida ku cad daraasad cusub.

Dalka Kenya oo qura ayay 7 nin dumar ku dileen inta la diiwaan geliyey sanadkii tegey oo qura, kuwaasoo ay dileen xaasaskooda ama saaxiibbadood.

Waloow ay jirto inay nimanku haatan dhibaatadaa wajahayaan, wax aad u yar ayaa booliiska loo gudbiyaa ama saxaafadda lala wadaagaa marka ay timaado gacan ka hadalka jinsiga ku salaysan (SGBV).

7-da nin ee la diiwaan geliyey oo aan ahayn kuwa qura ee dhibkaasi ku dhacay Kenya, ayaa waxaa la diley min Abriil 2020 ilaa Abriil 2021 oo aannu haatan ku jirno, waxaana ugu dambeeyey Daniel Omollo Onyango, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Xoogga Dalka Kenya ee KDF, kaasoo ay galaafatay xaaskiisa 27-jirka ah ee musikiistaha ah Violet Asela Emu, 3-dii Abriil, sida lagu qoray warbaahin uu ka mid ahaa nation.africa.

Haweenaydan oo ay ninkeeda is dagaaleen 1-dii habeennimo ayaa markii ay dhaawacyo halis ah gaarsiisey kaddib isku dayday inay badbaadiso iyadoo ula carartay Isbitaalka ku dhex yaalla xero ciidan oo la yiraahdo Kahawa Garrison Health Centre, balse markii la keenayba wuu dhintay.

Dhib sii kordhaya

Onyango ayaa ka mid ah dhibanayaan rag ah oo ay tiradoodu sii kordhayso oo dumarka ay wax la wadaagaan kala kulma tacaddiyo jireed, jinsi, dhaqaale, tiknoljiyad, iyo meel ka dhacyo nafsaani ah, balse aan loo gudbin booliiska iyo saxaafadda ama aan helin dareenka ay u baahan yihiin.

Taasi waxay keentaa inay rag badani silcayaan iyaga oo aamusan. Maadaama caadiyan ragga looga baahan yahay inay xamilaan dhibaatooyin badan oo is adkeeyaan waxay taasi keentaa inaysan arrintan ka hadlin ama ka dacwoon, iyadoo qaarkood la waraystay ay sheegeen inaysan helayn cid ka caawisa dhibka jira amaba aan la aaminayn.

TIRAKOOBKA – Xogaha laga diiwaan geliyey Rugta Daraasaadka Dembiyada Kenya (NCRC), ayaa muujinaysa in weli ay sarreeyso dhibaatada ay raggu haweenka u gaystaan oo haatan ah 38% marka loo eego tan ragga loo gaysto oo ah 20.9%, waqti xaadirkan.

Ha yeeshee, tirada raggu aad bay u kordhaysaa in badanna lama diiwaan gelin, iyadoo daraasad ay 2014 samaysay NCRC lagu ogaadey in dhibaatada jinsiga la xiriirta ee SGBV ay tahay mid ay raggu halis ugu jiraan marka loo eego dumarka.

Ifafaalahan ayaa sidoo kale dalalka kale kusoo kordhaya.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media