YAA EEDDA LEH? Min 3 eedood oo ay kala leeyihiin MW Farmaajo & Maamul-goboleedyada isaga u eedaysan

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Shirkii Teendhada Afisyooni ee Madaxda XF iyo Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa burbur ku dhamaaday.

Somalia ayaa sidaa ku wajahaysa mustaqbal mugdi ah markii ugu horreeysey mudadii burburka dalka, iyadoo ay dul hoganayaan daruuro hubaal la’aaneed oo ay nasiib darro tahay in uu maanta dalka oo soo kabasho iyo dowlad dhisid ku jirey uu wajaho.

Haddaba, waxaannu dul istaagaynaa sida aannu is leenahay waxay sabab u noqotay in gegadan maran dalku soo istaago oo ay qilqiil gasho doorashadii dalka ka dhici jirtey 4-tii sanaba mar muddadii burburka kaddib, taasoo ahayd waxa qura ee u toosnaa Somalia.

Waxaan eegi doonnaa sida eedda ay u kala leeyihiin dhinacyadu, gaar ahaan Madaxtooyada & Maamullada ay haatan eedda u jeedisey:

1 – MW Farmaajo wuxuu kalsooni badan, shacbiyad iyo sharciyadda dadka waxgaradka ah ee aan dan gaar ah wax ku taageerin ama samaha jecel (idealistic) lumiyey markii uu XF u ridey khilaaf ku aaddanaa muddo kororsi, dabcan in Xukuumad la bedelaa naadir ma ahayn balse sababta loo bedeley ee xil kororsiga (context) iyo tillaabooyinkii is xigey ee ka dambeeyey ayaa keenay laba arrimood:

a) MW Farmaajo waxay ka dhigtay nin kursi dartii wax kasta u sameeynaya waayo xilligaas muddo-xileedkiisa waxaa ka harsanayd 4 bilood, sidaa darteed, waxaa qurxoonayd inaan cimri tegey ceeb lagu sagootin xilligaana aan Xukuumadda la bedelin si aan waqti u lumin, maadaama ay xigeen bilo badan oo aan waxba la qaban, taasoo aan ka go’in dal Somalia oo kale ah, keentayna inay wax kastaahiba ku dhowaad istaagaan.

b) Wuxuu MW Farmaajo u muuqday nin aan ilaalinaynin Dastuurka dalka oo uu yahay ninka koowaad ee u xilsaaran dhowristiisa, waayo markiiba wuxuu magacaabay RW Xigeen howsha la wareegey, isagoo xitaa markii dambena diidey in uu xilka wareejiyo RW hore, wuxuu sidoo kale wax ka agaasimey qaabkii sharci darrada ahayd ee xilka looga qaaday RW Khayrre.

2 – Ma ahayn inuu Maamul-goboleedyada ka yeelo kala dirista Gudiggii Madaxa Bannaanaa ee Doorashooyinka ee ay hoggaaminaysey Xaliimo Yareey, waayo waa unug heer Federaal ah mana aha in Maamul laga akhristo kala dirista hay’ad Federaal.

3 – Waxaa kale oo garta Farmaajo xabaal nololinaysa oo yaraanta ku dilaysa in, si kastaba haku dhacdee, uu dhamaadka muddo-xileedkiisa soo gaarey isagoo aan wax heshiis ah Madaxtooyada ku fadhiyin. Waxaa jira dad isaga taageersan oo ku doodaya Shariif iyo Xasanba waa ku darsadeen, balse dadkaa waxaa ka maqan in labadaa MW hore ay heshiis raacayeen oo aanay kaligood iska soconin.

Dhanka Maamullada Puntland & Jubaland marka la eego waxaa ka muuqda gacan dhaaf ay ku samaynayaan DF Somalia iyagoo sidoo kale marar badan muujinaya inaysan ahayn kuwo u jeeda dhanka in heshiis la gaaro, waxay haddaba ku khaldan yihiin:

1 – Inay dhex boodaan howlihii DF Somalia, sida inay DF ku xujeeyeen in la kala diro Guddigii Doorashooyinka iyagoo sidoo kale diidey moodalladii doorasho ee uu Guddigaasi soo jeediyey, tiiyoo ay jirto inay horay u rabi jireen in laga gudbo 4.5 lana qabto doorasho leh metelaad shacbawi ah.

2 – Waxay soo jeedinayeen shuruudo fara badan oo marba ay wax cusub kusoo darayeen, taasoo ka dhigaysa khilaaf raadis aan xal doon ahayn.

3 – Waxaa doodohooda ku jira ku doodista waxyaabo ka baxsan waxyaabaha iyaga khuseeya sida; in Musharrixiinta, Cabdi Xaashi iyo Bulshada Rayidku kasoo qayb galaan shirka doorashada, maadaama ay waxaasi howlo heer qaran yihiinna ma jirto xaq ay labadaa Maamul u leeyihiin inay shuruudo taa ka dhigaan, waayo gobolku wuxuu ka hadli karaa wixii isaga gaar u khuseeya, wixii dad kale kala dhexeeyana wuxuu kala xaajoonayaa inta ay khuseeyso, laakiin isagu gorgortan kama dhigan karo, tusaale, Musharrax Madaxwayne in maamul u doodo waa geel dhabarka laga cayminayo calooshana laga rarayo.

Tusaale, maanta oo kale waxaa la sheegayaa inay ku doodayeen in Farmaajo saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, in lakala diro Baarlamanka oo ka kooban laba aqal iyo in la cayriyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida oo idil.

Marka laga yimaado qodobka ah in uu MW Farmaajo saxiixo warqadda xil-gaarsiinta oo ah aragti macquul ah ama ugu yaraan damaanad dalab sax ah waloow taa lafteedu ay tahay arrin u wada taalla maamullada, wax Maamulladan iyaga ka khuseeya kala dirista Baarlamanka iyo cayrinta Taliyeyaasha Ciidamada ma jiraan.

Waxaan Alle ka rajaynaynaa in uu garaadku shaqeeyo oo umadda laga daayo siyaasad geeli horay guhaadkeeda loo arkay.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media