“Warbaahinta Qaranku waxay ku tillaabsatay arrin ceeb & cambaar ku ah!”

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2021 -Muuqbaahiyaha qaranka Soomaaliya ”SNTV” oo la aasaasay 38 sano kahor, hayeeshee hawada ka baxay markii uu burburku dhacay, ayaa bishan Abriil wuxuu buuxiyay sannadguuradiisii 10aad intii uu hawada kusoo laabtay 2011.

Adeeg ahaan iyo aqoon ahaan ba, kama heersarreeyo warbaahinta kale ee madaxbannaan, marka laga reebo in uu ku baxo Afka Mayga, oo ah caddaalad iyo isku dheelitirnaan wanaagsan oo muujinaysa in la iska dhex arkayo lana wada leeyahay.

Waxa se ceeb iyo cambaar weyn ku ah in aanuu ka madaxbannaanaan madaxda dowladda markaa talisa iyo masuuliyiinteeda, una hawlgalin si dhexdhexaadnimo ah oo xor ka ah siyaasadaha is diiddan, taaso ku samaynaysa haybad dil weyn.

Wali waa afhayeen uu ku adeegto hoggaanka dalka markaa ka taliya, loogu guulwadeeyo, laga ceebeeyo mucaaradka markaa jira, lagana baahin wararka iyo warbixinnada liddiga ku ah madaxda xilka haysa.

Waxaa wanaagsan in lagu baraarugo arrinkaa, Idaacadaha qaranku noqdaan madal ka madaxbannaan madaxda, leh jaangoyn dhaqaale oo dastuuri ah, si simanna ay u adeegsadaan madaxda, mucaaradka iyo muwaadiniintuba.

Haddii fursaddaas la siiyo, waxay hawlwadeennadiisu kaalin mug leh oo miisaan leh ka qaadan lahaayeen, wargelinta iyo wacyigelinta bulshada, sawir qurux badan oo tusaale ah ayuuna ka bixin lahaa dowladnimada, dimuqraaddiyadda iyo korinta maanka iyo maskaxda dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media