Somalia ma waxay u jihaysanaysaa dhanka Shiinaha & Ruushka? Lix QODOB oo ay tahay in laga baaraandego

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2021 – Waxaa soconaya warar hoose oo suuqa ku jira oo ay mararka qaar ilo wargal ihi sheegayaan inay wax ka jiraan, sidoo kalena laga dhadhansan karo qoraallada Danjiraha Shiinaha ee Somalia.

Qin Jian oo soo qaata sawirro iyo qoraallo badan oo muujinaya khayraadka dabiiciga ah ee aysan Somalia ku nacfin welina lahayn xoog iyo xigmad ay ku hanato, ayaa sidaa noogu sheegaya halka uu dalkiisu u malabsanayo.

Inta aadan qoraalka guda gelin xusuusnow, ka hadli mayno inaan Galbeedka neceb nahay iyo inaan jecel nahay, sidoo kale mucaarad iyo muxaafid, balse waxaan ka hadlaynaa wixii ay nala tahay in waaqiciyan ay kusii taaqtaaqi karto Somalia oo ah dal faqri ah oo aan misna midaysnayn iskuna toosnayn.

Wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in Madaxtooyada Somalia ay madadaalinayso aragtiyo ku aaddan in la dheelo khamaar ku saabsan in lala xirto Shiinaha iyo Ruushka, si dhabarka loogu jeediyo Galbeedka, taasoo ay dad badani u arkaan musmaarkii ugu dambeeyey ee lagu dhufanayo naxashka Somalia marka la eego dhowr sababoob oo waaqici ah:

1 – Somalia oo ku jirta xaalad soo kabasho ah waxay u baahan tahay kaalmada cid kasta oo diyaar u ah inay wax ku tarto, umana baahna cadow cudud xooggan ku leh dunida casrigan sida Galbeedka. Weliba waxaa waajib ah inay Somalia isku wadato Galbeedka iyo dalalkanba iyadoo mareeysa wadiiqo aan ahayn +1-1.

2 – Galbeedku marka laga soo tago inay si ahaan abaal ka badan midka Bariga Soomaalida u galeen xilligii burburka dhibaatooyin kaleba ha u gaysteene, misna iyaga ayaa bixiya kharashka ku baxa dib u dhiska dowladnimada Somalia, haddii lala colloobana waxay Somalia u gaysan karaan dhib ka wayn dheefta Shiine iyo Ruush laga heli karo.

3 – In qof dartii ama kursi dartii loo qallibo koorsada istaraatijiga ah ee siyaasadda dal ku socdaa waa ismiidaamin horay loogu jabay daruurina ma aha in markale dowgaa la maro.

4 – Somalia oo 30-kii sanadood ee ay dowladda saxda ah lahayd burburka kahor lagu bartay siyaasado sirgaxan oo ay qar iska tuurnimadu ku badan tahay, uma baahna inay markale caalamka u muujiso inay weli tahay Somalia-dii dhegaha adkayd ee fahamka xumayd marka la eego siyaasadda caalamiga ah.

5 – Dalalka Ruushka iyo Shiinuhu bidaal uma noqon karaan dalalka kale ee ay la hardamayaan, tusaale, Galbeedku waxay dunida ku leeyihiin saamayn dhaqan-dhaqaale, mid siyaasadeed, mid ciidan iyo mid istaraatiji ah, halka labadan dal uu midna leeyahay saamayn ciidan oo qura waa Ruushe, midna uu raadinayo dalal uu kaabayaal yar inta u dhiso uu gumaysi dadban geliyo, isagoo aan inta badan raacin xeerarka iyo hab-raacyada wax la isku waydaarsado, waxaa xitaa Shiinaha aad loogu dhibsaday hababka uu u kalluumaysto ee wax ma reebaanka ah (indiscriminate fishing practices), isagoo haatan shatiyo aan la ogayn sida lagu sameeyey Somalia ka haysta.

6 – Somalia ma aha dal midaysan siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan, sidaa darteed, tillaabo kasta oo noocan ihi waxay iridda u furaysaa in la sii kala irdheeyo, gaari qoronqorosh ah oo aad daaqaddiisa la carartaana qofna meel ku tegi maayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media