Siciid Deni oo “kashifay” arrin haddii ay cadaato aad usii dili doonta sumcadda Madaxtooyada

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – MW Puntland, Md Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku doodaya in shirkii jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafintu uu ahaa mid horay usii duubnaa.

Deni ayaa dooddiisa ugu qiil sameeyey in Wasiirku uu shirka ku jirey isagoo halkaa ku joogey koor aan ahayn midkii uu shirka jaraa’id uga soo muuqday.

“Fiidyow-ga Wasiir Dubbe hore ayaa loo sii diyaarshay, Dubbe maanta waa nala joogay dharkaasna ma sidan”. Ayuu yiri Siciid Deni.

Arrintan ayaa haddii ay run noqoto waxay ku marag furi doontaa madaxda XF oo u muuqan doona rag horay usii qprsheeyey inay shirka fashiliyaan.

Waxaa kale oo inay arrintani jiri karto ka tarjumi kara sida uu warka XF usoo baxay xilli aad loo hadal hayey in heshiis la gaari rabo.

Hadalsame Media