Si fudud oo lagu ogaan karo cidda doonaysa inuu fashilmo Shirka Teendhada Afisyooni?

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Waxaa jirta dood ku saabsan cidda fashilisay shirkii maanta ee Teendhada kaddib markii ay XF shir jaraa’id qabatay.

Wararka ku dhow shirka ayaa wada sheegaya in shirka laga soo wada baxay iyada oo la isku ogaa in lasoo nasto oo shirka la iskugu soo laabto si loo sii ambaqaado qodobbadii la isku mari la’aa ee harsanaa sida cidda sugaysa amaanka doorashada, arrimaha Jubbaland, saxiixa xil-gaarsiinta iwm, jeer qodobbo badan la isku fahmey, balse mar qura la maqlay shirka jaraa’id ee la baahiyey.

MW Puntland, Md Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegtay in shirkii jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafintu uu ahaa mid horay usii duubnaa.

Deni ayaa dooddiisa ugu qiil sameeyey in Wasiirku uu shirka ku jirey isagoo halkaa ku joogey koor aan ahayn midkii uu shirka jaraa’id uga soo muuqday. “Fiidyow-ga Wasiir Dubbe hore ayaa loo sii diyaarshay, Dubbe maanta waa nala joogay dharkaasna ma sidan,” Ayuu yiri Siciid Deni.

Yeelkeede, warka Siciid Deni lama xaqiijin karo sababtuna waxay tahay Teendhada uu shirku ka dhacayo oo ah mid aan loo ogolayn warfaafinta. ”Xitaa kuwa iyaga lakala socda ee warfaafinta ugu qaybsan waxaa la fariisiyaa meel aad uga fog halka uu shirku ka soconayo.” ayuu yiri nin ka mid ah weriyeyaasha shirka dusha sare ka qooraansanaya ee Muqdisho oo la hadlay Hadalsame Media.

Si kastaba se waxaa jira qaab lagu fahmi karo cidda shirka fashilisay ama ugu yaraan isku dayaysa arrintaas, waana cidda shirka jaraa’id hor qabatay, waxaana marka la eego sidii ay wax u socdeen la eego waa XF, iyagoo weliba adeegsanaya lahjad xaaladda sii murjinaysa oo ah inaysan ”jid iyo jiho doon ahayn” maamullada Puntland iyo Jubaland, kuwaasoo markii ay hadleen sheegay in aan shirku fashilmin ayna la yaabeen warka kasoo baxay XF.

Hadalsame Media