Shirka Teendhada oo dib u furmay iyo beesha caalamka oo ay “wacdi” ka gaartey!!

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Wararka haatan ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in shirkii Madaxda XF Somalia iyo Maamul-goboleedyadu uu halkaa mar kale ka furmay.

Shirkan ay madaxda XF iyo shanta Maamul-goboleed ay ka wada qayb gelayaan oo sidaa ku galay maalintii saddexaad ayaa dhacaya Teendhada Afisyooni.

Yeelkeede, shirkan oo lagu tilmaamay mid hordhac ah oo lagu dejinayo ajendaha shirka rasmiga ah kaddib markii shuruudo noocaas ah lasoo jeediyey ayaan weli horseedin wax jid ah.

Beesha caalamka oo u muuqata mid la yaabban xujooyinka badan iyo xal la’aanta Soomaalida ayaa iyaduna xalay War Saxaafadeed ay soo saartay ku dalbatay in xeer jajab la gaaro iyada oo la eegayo Ramadaanka fadligiisa.

Si kastaba, shirkan ayaa aad isha loogu hayaa iyadoo ay dadku xal ka rajaynayaan.

Hadalsame Media