Dood qosol badan oo ka taagan in la baajiyo kulanka caawa ee Juve vs Napoli (Doodda oo sal macquula leh)

0

(Torino) 07 Maarso 2021 – Waxaa caawa lagu wadaa inay dheelaan labada kooxood ee Juventus vs SSC Napoli oo dib u ciyaaraya kulul ay dood kululi ka dhacday oo horay u baaday.

Kulankan oo la ciyaari lahaa bishii Oktoobar ee dhamaadkii sanadkii tegey ee 2020, ayaa baaqday kaddib markii ay hay’adda Caafimaadka Maxalliga ah ee Napoli ee Talyaanigu usoo gaabiyo ASL ay ku taliyeen in kooxda Napoli aanay u safri karin Torino.

Napoli waxay xilligaa la tacaalaysey 2 laacib oo ka qabey cudurka Covid-19, yeelkeede, kooxda Juventus ayaa haatan la tacaalaysa 3 laacib oo ka qaba isla duraygaas dilaaga ah; Waa Demiral, Bonucci iyo Bernardeschi.

Doodda haatan Talyaaniga guud ahaan iyo gaar ahaan Torino ka taagani waxay tahay, in ASL Torino ay Juve ka joojin karto inay kulankan ciyaarto?

Waxaa sidoo kale caawa dheelaysa kooxda Inter Milan oo u safraysa kooxda Sassuolo oo ay sidoo kale todobaad 2 kahor uga baaqatay kaddib markii ay 4 laacib cudurka qaadeen, taasoo lafteeda muran ka jiro maadaama la dheelsiiyey kooxo qabey tiro intaa ka badan.

Hadalsame Media

Facebook Comments