Dib u sawiridda khariidadda Bariga Dhexe & dalal hor leh oo kasoo dhex bixi kara (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2021 – Xasaradaha Bariga Dhexe ayaa salka ku haya saddex-geesood kala ah: kalatalisnimadii ka dambaysay gumaysigii Yurub, taageerada galbeedku siiyaan kalitalisyada faajiriinta ah iyo faragalinta ciidan, iyo xagjirnimada, mid walba oo ka mid ahina kan kale ayuu quudiyaa taasina waxaa ka dhashay ilameerayso iyo burbur horistaagay talawadaagnimo Bariga Dhexe ka soo ifbaxda. Qaybtii 1-aad…

Qorayaasha geyfanayaasha ahi waxay arkaan harjadka xuquuqda aadanaha iyo kan dimoqraaddiyadeed ee Bariga Dhexe ka socda tan iyo 2011kii uu dhaafay xadkii waddiniyadsa, Imbaraaddooriyad-diidnimada iyo Islaamnimada mayalka adag ee Bariga Dhexe horay uga jiri jirtay.

Kacdoonkii Suuriya iyo falceintii rajiinka Asad kala hortagay waxay tusaale u tahay xiriirka ka dhexeeya kalitalisnimada iyo argagixisanimada, ayaa qorayaashu ku doodeen. Rajiimka Asad waxa uu si naxariisdarro ah u kala didiyay bannaanbaxyo nabadeed halka uu fasaxay kooxo Islaamiyiin mayal adag oo Maraykanka ka soo horjeeday oo ka dagaallamayay gudaha Suuriya iyo Ciraaq kuwaas oo sidoo kale taageero ka helayay Qatar, Sacuudiga iyo Turki.

Axmaqnimadii iyo naxariisdarrada Cabdulfataax Siisi awoodda ku qabsaday iyo dhaqdhaaqyada kooxaha mayalka adag ee ka hanaqaaday gobolka Siinaay, waa tusaale kale oo muujinaya salka xasaradaha iyo sida kalitalisyada faajiriinta ahi u doonayaan in ay ku sharciyeeyaan oo ku baritaaraan sharcinimadooda liiqliiqanaysa.

Rajiimyadu ayaga ayaa cusuma faragalinta. Rajiimyada Bacathyasa (ba’ath) ee Ciraaq iyo Suuriya waa tusaale kalitalisyada isu arka in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda imbiiriyaaliisimka galbeedka.

Yeelkeede, qorayaashu waxa ay farta ku fiiqeen xadgudubyada jumlada ah ee rajiimyadaas kalitalisyada ah ay dadkooda kula kacaan taas oo ugu dambayn waddada u xaartay faragalinno shisheeye oo dalalkooda lagu sameeyo.

Talisyada noocaas ihi waxa ay dawladaha Galbeedka siiyeen marmarsiinyo ay ku farageliyaan dalalkaas taasina waxa ay dhashay burbur iyo baaba’. Tusaale weerarkii Sadaam Xuseen ku qaaday Kuwayd sannadkii 1991 waxaa dhashay weerarkii Maraykanku ku qaadaan Ciraaq labo jeer (1991 iyo 2003).

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Cali M Diini

Hadalsame Media