DEG DEG: Shirkii Teendhada Afisyooni oo lagu kala tegey & Madaxtooyada oo eed tuurtay!

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Shirkii Teendhada Afisyooni ee Madaxda XF iyo Maamul-goboleedyada ayaa burbur ku dhamaaday.

Wasiirka Warfaafinta DF Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka eedeeyey maamullada Puntland iyo Jubaland oo uu ku tilmaamay jid iyo jiho diid.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sebtembar iyo is fahankii 16-kii Febraayo,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

“Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.” Ayuu daba dhigay.

Arrintan ayaa nasiib darro ah maadaama shirkan aad looga war dhowrayey, iyadoo aan la ogayn tillaabada xigta ee la qaadayo.

Waloow Maamullada la carrabaabay lagu eedeeyey cago jiid iyo shuruudo badan, misna XF lafteeda ayaa lagu tuhmayaa inay caqabaad jidka dhigayso si ay mudada u kororsato.

Hadalsame Media

Facebook Comments