Beesha caalamka oo haatan kulan kula jirta 3 Maamul-goboleed + Ujeedka (Madaxtooyada oo shax cusub degeysa)

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Waxaa haatan uu shir ka soconayaa Xerada Xalane kaasoo ay beesha caalamku kula jirto Madaxda 3-da Maamul-goboleed ee la ologga ah Madaxtooyada ee Galmudug, KG Somalia iyo Hirshabeelle.

Beesha caalamka oo la sheegayo inay aad uga carootey shirkii jaraa’id ee ay qabatay XF ayaa la sheegayaa inay 3-dan maamul kala hadlayso bal inay ka warramaan sida wax u dheceen, waxaa sidoo kale lagala hadlayaa sidii markale la iskugu soo noqon lahaa.

Ilo wargal ah oo shirka ku dhow dhow ayaa tilmaamaya inay dhici karto in beesha caalamku ay ku taliso in lasoo celiyo shirkii u dhexeeyey 5-ta Maamul-goboleed iyo in tillaabo laga qaado ciddii loo calaameeyo inay shirka carqaladaynayso.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Madaxtooyadu ay doonayso inay ka hadashiiso mid ka mid ah madaxda Maamul-goboleedyada iyada la safan, si loo dhexmariyo mowqif ay Madaxtooyadu doonayso in la muujiyo balse aysan doonaynin in iyada lagu tiro.

Sida ay wax u socdaan ayaa waxaa ka muuqanaya jahawareer si kas ah loo abuurayo kaasoo aan u wanaagsanayn horu socodka dalka oo haatan u xanniban in doorasho laga agaasimo.

Hadalsame Media