Arrin uu Islaamku horay u sheegay oo haatan ay saynisyahanno reer Galbeed ihi shaybaar ku ogaadeen (Mowduuc muhim ah)

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2021 – Xadiis ayaa sheegay in haddii duqsi ku dhaco wax aad cabbayso hoos loogu riixo waayo cudur iyo wixii cudurka dili lahaaba isagaa wata. Haye. Haddii xadiis iyo magacyo Carbeed iyo Bukhaari aanay ku qancin, oo lagaba yaabo in xataa haddaad Nebiga NNKH afkiisa ka maqli lahayd aad ka diidi lahayd, bal eeg aqoonyahanadan reer Australia ee aan magacyada Carbeed lahayn.

“Joanne Clarke, another researcher on the project, told UPI all the fly species she analyzed produce antibiotics on the surface during the adult and larval stage, but only occasionally during the pupae stage when they have a protective casing.” United Press International.

“Cilmibaare Joanne Clark waxay sheegtay inay dhammaan noocyada duqsiga ay baartay ay ka heshay antibiotics (wax bakteeriyada dila) markay yar yihiin iyo markay weynaadaanba.”

Cilmibaarayaal kale, sida kuwa Jaamacadda Auburn waxay heleen barootiin duqsigu leeyahay oo nabraha degdeg u daweeya. Kuwa Jaamacadda Swinburne ayaa iyaguna ogaaday in duqsiga dushiisu noocyo badan oo bakteeriyo ah dili karto “The wings were found to consistently kill Gram-negative cells…”.

Qof ayaa ku kalsoon Saynisyahannada. Haa. Ku kalsoon. Yacni haddii isaga la geeyo laabka ay wax ku baaraan waxba kama garanayo qalabkooda iyo waxa ay isku walaaqayaan iyo kombiyuutarada ay midabbada kala duwan ka eegayaan iyo nalalka ay shidayaan iyo maryahooda cadcad iyo waxay gacmaha iyo indhaha ku xiranayaan.

Kolley inay qolo fiican yihiin ayuu ogyahay. Qof kale ayaa isaguna ku qancay inuu Ilaahay adduunkan abuuray wax walbana aqoonteeda leeyahay. Wixii la hubo inay diinta sal ku leeyihiin oo si saxnanna loo fahmayna ay xaqiiqo tahay. Taasina waa kalsooni.

Anigoo yar ayaa xadiiskaas la ii sheegay. Waa rumeeyey. Sidaasaan hadduu waxaan cabbayo ugu dhaco duqsi juq u siin jirey. Hadde waa juq. Hadda soddon sano duqsigii badnaa ma arkin laakiin haddaan waddankii imaado sidaydii uun baan u juqsiin.

Anigu xadiiskaan rumeeyey. Qolyihii Joanne Clark iyagana waa taas cilmi u soo sheegtay. Inaan hadda isku soo dhacnay oo aan wada juq siin doonno ayaan u malayn. Kolley qaar Joanne khilaafi doona oo “cilmibaaristaas looma dhamma dhihi doona waa jiraan!”

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media

Facebook Comments