Dhaliil wax dhisaysa oo ku saabsan arrin ay dadku sameeyaan balse aan looga baahnayn baraha bulshada

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2021 – Waxaad safri kartaa adigoo aan Facebook ku soo qorin. Adiga iyo xaaskaadu waxaad u dabbaaldegi kartaan sanadguurada guurkiinna, waxaadna isu sheegi kartaan in aad is jeceshihiin adinkoo aan Facebook ku shaacin.

Hooyadaa, xaaskaada iyo carruurtaada ayaad jeclaan kartaa, waana shumin kartaa adigoo aan isku sawirin ee Facebook ku faafin. Wax waa cuni karaa adigoo aan sawirin oo aan Snapchat, Instagram iyo Facebook ku naadin.

Markii aad intaas ku soo bandhigeyso Baraha Bulshada, waxaad la mid tahay qof makaroofan la dhex taagan Bakaaraha oo dadka suuqa dhooban uga sheekeynaya noloshiisa gaarka ah, oo aysan iyagu shaqo ku laheyn.

Saaxiibbadaada Baraha Bulshada kaagama baahna sawirro caddeynaya sida aad u nooshahay iyo in aad ku faraxsan tahay noloshaada gaarka ah.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media