”Wadanniyaddii si khaldan baa loo adeegsadey!” – Siyaasi DF ku dhowaa oo hadlay

0

(Muqdisho) 03 Maarso 2021 – Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed sidoo kalena ah barbaariye iyo aqoonyahan ayaa cabbiray laba mansab oo si khaldan looga faa’iidaysto, sida uu qabo.

Dr Baadiyow ayaa labadaa mansab ku kala sheegay wadaniyadda iyo wadaadnimada ama diinta oo ah laba waxyaabood oo wanaagsan, balse ay dad dano gaar ah lihi ay si taban u isticmaalaan.

”Waddanimada iyo Islamka waxaa loo adeegsaday si khaldan oo daneysi ah. Waa kuwaas waddani-uyaal aan dal iyo dad rabin oo jebinaya dastuurka, kala qaybinaya ummadda,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

”Wadaad-sheegadku waa badanyahay, waxaana lagu gartaa inuu horboodayo eexda iyo boobka hantida qaranka, iskaba daa kuwa xalaashaday diiggaynna. Iska jir oo haku sirmin, hana raacin kuwaas. Baro waddaniga iyo wadaadka runta ah.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media