Astaanta cusub ee Inter Milan oo ”khalad” wayn laga soo saaray & taageerayaasha oo ku maadsanaya

0

(Milano) 31 Maarso 2021 – Taageerayaasha caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyey astaanta cusub ee kooxda Inter Milan oo shalay si rasmi ah loosoo bandhigay.

Camaaliqadan reer Talyaani oo raadinaysa inay micne u yeesho astaanteeda ayaa adeegsan doonta kelmadda ‘I M” oo ah magac u yaal Ingirisi ah oo la micne ah ”aniga”.

Tacbiirtan ayaa loogu tala galay in toos loogu faafiyo dhaqanka kooxda, balse sidoo kale waxaa adeegsan kara taageere kasta oo Inter Milan raacsan.

Yeelkeede, taageerayaasha ayaa cillad kasoo dhex saaray astaanta cusub ee Inter, taasoo ah in sidoo kale loo akhrin karo TIT oo afka Ingiriisiga ku ah ”naas” oo si waadax ah looga dhex arkayo astaanta.

Qaar badan ayaa haddaba bilaabay inay kooxdiiba ugu yeeraan, iyagoo dabcan xifaalo ka wada, ”FC TIT” ama ”Naas.” Hoos ka arag.

Hadalsame Media