Maxaad ka taqaan Saamiya Xasan oo caawa Madaxwayne ka noqotay dalka Tanzania?

0

(Dar es Salaam) 17 Maarso 2021 – Samia Hassan Suluhu, waxay caawa noqotay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Tanzaniya, ka dib markii uu caawa fiidkii geeriyooday madaxweyne John Magufuli. Waana 61 sano jir ka soo jeeda maamulka Zanzibar.

Saamiya Xasan kolkii ay dugsiga sare dhammaysatayba waxay shaqaale hoosaad ka noqotay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarka. Dabadeedna waxay maamulka dawliga ah (Public Administration) ka baratay Machadka Maamulka Horumarka (Institute of Development Management), oo iminka noqday Jaamacada Mzumbe (Mzumbe University).

Ka dibna waxay ka shaqaysay mashruuc ay maalgelin jirtay Haayada Cuntada Adduunka (WFP).

Way guursatay, hadana ismay dhigan ee waxay deeq waxbarasho (Scholarship) ka heshay Jaamacada Manchester (Manchester University), oo ku taalla Boqortooyada Ingiriiska, halkaasna waxay ku soo qaadatay Dibloma sare oo ah culuumta dhaqaalaha (Post graduate diploma of Economics). Ugu dambayntiina waxay sanadkii 2015 kii digriida labaad ka qaadatay Horumarka Dhaqaalaha Bulshada (MSc in Community Economic Development), oo ay wada bixinayeen l Open University of Tanzania iyo Southern New Hampshire University, oo ku taalla maraykanka.

Sanadkii 2000 ayay go’aansatay inay siyaasadda ku biirto, waxaanay ka mid noqotay golaha wakiilada Zanzibar, ka dibna waxa madaxweynihii maamulka Zanzibar u magacaabay wasiir. 2005 tii ayaa hadana dib loo doortay, mar kalena waxa loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga Zanzibar.

Sanadkii 2010 waxa loo doortay inay ka mid noqoto Baarlamaanka Tanzania, waxaana madaxweynihii jamhuuriyaddu u magacaabay wasiiru dawlaha arrimaha midowga Tanzania (Minister of State for Union Affairs). Sanadkii 2014 kiina John Magafuli ayaa u doortay inay noqoto musharaxiisa madaxweyne ku xigeenka doorashada 2015 ka. Waxaanay noqotay gabadhii ugu horraysay ee dalka Tanzania ka noqota Madaxweyne ku xigeen.

Saamiyi waa muslin, waxaanay dhashay afar caruur ah. Mid ka mid ah caruurteeduna wuxu ka mid yahay golaha wakiilada maamulka Zanzibar.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media