Kenya oo soo bandhigtay aragti siyaabo kala duwan fasiraad looga bixiyey

0

(Nairobi) 17 Maarso 2021 – Kenya ayaa kaddib markii laga diidey in markii 4-aad loo baajiyo dood-afeedka ka dhaxaysa iyaga iyo Somalia ee ku saabsan badda ay Kenya sheeganayso, waxay ka baxday dacwaddii.

Haddaba, saxaafadda dalkaas ayaa maqaallo badan ka qortay arrintan iyadoo meelo kala duwan ka eegaysa arrintan, waxaana ka mid ah Nation oo ka mid ah warbaahinta ugu ballaaran uguna afka dheer dalkaasi.

Warqaadkan ayaa soo qaatay kaartuun siyaabo kala duwan loo fasiri karo oo ay ka muuqdaa MW Somalia iyo dhiggiisa Kenya oo ku kala fadhiya laba kefedood oo miisaan saaran.

Deeto waxaa xarkihii kefeddiisa haysey jaraya MW Kenya Ahuru Kenyatta, taasoo kefedda kale oo qalli ah ku reebaysa MW Somalia ee Farmaajo oo sawirku muujinayo inuu khafiif noqday miisaankiisu.

Sawirkan uu sameeyey wargayskan aadka ugu dhow madaxda dalkaasi, ayaa siyaabo kala duwan loo micneeyey waxaana ka mid ah in lagu sawirayo aragti ah in Kenya aaminsan tahay inaysan dacwaddu culays lahayn haddii ay ka baxdo, balse sharciyan iyo farsamo ahaanba sidaasu run ma aha.

Maxay adiga kula tahay?

Hadalsame Media