”Tanzania doodda kuma jirto!” – Kenyan-ka iyo Tanzanian-ka oo ay baraha bulshada uga dhex tafatay!

0

(Nairobi) 14 Maarso 2021 – Tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya inay Kenya ka baxday dood-afeedka Maxkamadda ICJ ee u dhexeeysa Somalia iyo Kenya, taasoo ka dhigan inaysan Kenya haynin dood sharci ah oo ay ku guulaysan karto maadaama ay markii 4-aad doonayso inay dacwaddu baaqato waxaa furantay dood cusub.

Dadwaynaha Kenyan-ka ah oo u muuqda kuwo garaystay inaysan Kenya sharciyad ku taagnayn ayaa dareenkooda u weecinaya dhanka Tanzania, iyagoo ku doodaya in haddii ay Somalia saxan tahay ay ka dhigan tahay in uu dhul-badeedka Kenya jiro dhanka Tanzania oo iyadana laga doonayo inay Mozampique wax waydiiso.

Haddaba, dadka Tanzanian-ka ah ayaa doodda kusoo biiray iyagoo Kenyan-ka uga digaya inay dood lasoo galaan. Hoos ka eeg qaar ka mid ah doodaha ku dhex maraya baraha bulshada.

Vine Yard ”Haddii ay sidaas tahay waa in xariijinta kala qaybisa Kenya iyo Tanzania iyadana la toosiyaa si la mid ah Kenya iyo Somalia.” ayuu yiri ninkan Kenyan-ka ah.

Mume Wangu ”Tanzania hasoo gelinin xasaraddaada….Xushmee heshiiskii hore.” ayuu yiri nin Tanzanian ah.

Josiah Nziokkih ”Waa sidaad u dhigtay Vine Yard.”

William Magesa ”Iddi Amin ayaa isku dayey inuu dib u sawiro xadka Tanzania 1978-kii, waana ogtahay wixii dhacay, qabrigiisa waxaa laga qoday lama degaanka Sucuudiga.”

Kodera Jim ”Kenya waxaa ku hareereeysan dersaan masayrsan oo dhib badan. Uganda – Muranka Migingo, Ethiopia – Halista Oromo, Somalia – Muran oo dhan, Tanzania – Umad cabasho badan. Axsan Kenya wiil ahaan ha u korsato South Sudan.”

Mayol Awan ”Haddii ay dersaanta oo dhami kaa hor jeestaan, waa inaad dib ugu noqotaa hab-dhaqankaaga.”

Chanzu Chanzaya ”Haddii ay Soomaalidu biyeheenna sheeganayso, annaguna waxaan sheegan doonnaa biyaha Tanzania.”

Mume Wangu ”Aan sheeganno Tanzania? Aan ku tusno sida aan wax u feeri naqaan… Orod Somalia iska celi…Doqon”

Hadalsame Media