“Wuxuu sheedda fog ka arkay xaaskiisii oo hab siinaysa nin uusan aqoonnin”

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2021 – Galab casarkii ah ayuu arkay xaaskiisii ku mehersanayd oo nin gaari ama baabuur kasoo dagay Hab siinaysa oo wadada bartankeeda la taagan Lana qoslaysa.

Isagoo tallaabada boobaya oo caro darteed Wajigii kaduutay oo is leh iyada iyo ninkaba Gacan Saar ayuu Soo gaaray,ka dibna hadal wuxuu ka bilaabay ” kolley macsida hadaydaan qarsanayn ma weydeen meelaad isla gashaan?.

Iyadoo dhoola cadaynaysa ayay ku tiri gacaliye “Barasho wanaagsan waa walaalkeygii maqnaa ee Hebel oo hadda yimid” kii kalana waxay ku tiri” walaal waa seedigaagii aad maqashay.

Naxdin darteed wadnahaa go,ay deedna ninkii baa ku yiri “seedi barasho wanaagsan hadalkaas gefkiyo caydana gogol baan ka qabaa soo kaxayso waxgaradkaagii waa inoo caawa iyo xaafada isagoo cagaha jiidaya ayuu ka dhaqaaqay!.

Habeenkii buu is yiri cidna ha kaxaysane Waa reerkaad xididka la ahayde kaligaa u tagoo Raali gali, una qoor dhiibo wax allaale waxay kugu xukumaana qaado.

Albaabka guriga markuu soo garaacay wiil yar baa ka furay oo yiri qolkaasaa raggii kugu sugayaane gal nalka horena waa dansanaa.

Qof dumaroo dayrka dhex taagan oo kasii jeesatay Intuu gudbayo ayuu xageeda u dhaqaaqay xaaskiisii buu mooday maadaama reerka kaligeed gabar lahaayeen intuu barida dharbaaxo kaga dhuftay ayuu yiri”naa qolka yaa igu sugaya waa ceeboobaye.

Waxay ku tiri eedo waa hooyadeed iyadii dadka qolka kugu sugayay ka mid tahay guduboo usii tag arrintaana gogol kale loogu Soo noqon maayo meeshaan keenayaa!!!.

Fudaydku waa balo hubsiimadu waa muhiim.

Waxaa Diyaariyey: Mustafa Xaaji Maxamed

Hadalsame Media