Madaxtooyada oo markale ku baaqday shir ay iskugu imanayaan Madaxtooyada iyo Maamul-goboleedyadu

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Madaxtooyada ayaa markale ku baaqday shir ay iskugu imanayaan Madaxtooyada iyo Maamul-goboleedyada oo ka dhacaya Muqdisho.

Shir u dhexeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho, ayaa lagu bilaabay war lagu faafiyey warbaahinta DF.

Sida qorshu yahay waxaa la filayaa in dhawaan uu magaalada Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Sebteembar 2020 kaas oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro hishiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Afhayeen Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Lama oga halka shirkaasi ka dhici doono iyo cidda ka qayb geleysa maadaama ay maamullada qaarkood dalbadeen in lagu qabto Xalane, halka musharrixiinta iyo bulshada rayidku ay doonayaan inay qayb ka noqdaan.

Hadalsame Media