Kenya oo muujisay inay ka masayrsan tahay xiriirka Somalia & Turkiga (Talo loo jeediyey)

0

(Nairobi) 07 Maarso 2021 – Tan iyo 2011, Turkigu wuxuu ahaa dal muhim u ahaa gargaar siinta Somalia, isagoo dalkaa u adeegsanayey meel uu kasoo galo Afrika oo uu 2009 12 safaaradood ku lahaa balse uu haatan 42 ku leeyahay, isla markaana ka qayb qaadanaya dib u dhiska Somalia oo kasoo kabanaysa dagaallo sokeeye, ayaa lagu bilaabay qoraal dheer oo lagu faafiyey The Star.

Sanaddii 2016, MW Turkey ee Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday Bariga Afrika isagoo Muqdisho ka furay safaaraddiisa ugu wayn, wuxuu sidoo kale Somalia ku leeyahay saldhigga ciidan ee ugu wayn kuwa uu caalamka ku leeyahay, taasoo keentay inay Soomaalidu haatan ganacsiga iyo baahiyaha waxbarasho iyo caafimaadba ku xirtaan Turkiga.

Waxaa Erdogan oo booqday Bariga Afrika — Kenya, Uganda iyo Somalia wehlinayey wefdi ballaaran oo ka koobnaa 150 ganacsade oo raadinaya maalgashi ay gobolka ku samaystaan.

Maqaalka ayaa markan diiradda saaraya in Kenya ay Somalia kasbato si ay fursado uga hesho iyadoo raacaysa jidka Turkigu ku kasbaday maadaama ay isu aragto cudud goboleed, balse sidoo kale in Kenya ay Turkiga kasoo leexsato Somalia, maadaama ay Kenya noqon karto halka uu Turkigu saldhigto marka uu Afrika abbaarayo, taasoo ay Kenya dareensan tahay inay tahay fursad ay haatan haysato Somalia.

Dr Patrick Maluki oo ka tirsan University of Nairobi ayaa ku doodaya in Kenya oo saamaynteeda ka faa’iidaysanaysa looga baahan yahay inay noqoto halka saldhigga u ah is ballaarinta Turkiga ee Afrika.

Michael Macharia oo ka mid ah Pioneer University ayaa soo jeediyey in Kenya ay Turkiga kusoo jiidato waxyaabo ay ka mid yihiin fududaynta isu socodka, yaranta tarriifooyinka ganacsiga iyo inay Turkiga jaal kula noqoto dhinaca amaanka iyo la dagaallanka argagixisada. Halkan ka akhri maqaalka….

Kenya ayaa beri dhowayd gawaari gaashaaman ka dalbatay Turkiga si ay saamayn ugu yeelato, iyadoo haatan doonaysa inay Turkiga ku qalqaaliso inuu dhexdhexaadin ka galo iyaga iyo Somalia oo ay ku haysato dhul-badeed aysan wax sharciyad ah u haysan.

Hadalsame Media