MW Maraykanka oo Koongarayska u celin doona awood uu haatan kaligii leeyahay + Sababta

0

(Washington, DC) 06 Maarso 2021 – MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa ishaaray doonis ku saabsan in meesha laga saaro awood uu haatan Aqalka Cadi u leeyahay inuu rukhsad siiyo Bentagon si ay duqaymo dunida uga gaystaan tiiyoo aan loo baahanin ogolaanshaha Koongarayska, si baa la yiri meesha looga saaro ”dagaallada iska socda” ee Maraykanku wado.

Qarreenno isbedel doon ah iyo xildhibaanno ku jira labada aqal ayaa sanado badan u ololaynayey in meesha laga saaro xeerka fasixitaanka adeegsiga ciidan ee AUMF, kaasoo si deg deg loo meel mariyey kaddib weerarradii 9/11, taasoo Madaxwaynaha siinaysa awood dheeraad ah oo gacan bannaan.

Yeelkeede, Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa sheegay in Biden uu Koongarayska oo ay haatan xisbigiisu ku xooggan yihiin kala shaqayn doono in xeerka AUMF lagu bedelo mid ”mucayin ah” si loo ilaaliyo dadka Maraykanka ah iyadoo meesha laga saarayo dagaallada dabada dheer.

Warkan ayaa kusoo beegmaya maalmo uun kaddib markii dood laga keenay sharciyadda ay ku qotonto duqayn ay Maraykanku u gaysteen malliishiyaad ay Iiraan taageerto oo ku sugan Suuriya taasoo la fuliyey iyadoo aan fasax la waydiin Koongarayska.

Hadalsame Media