Nin Soomaali ah oo loogu magac dari rabo mid ka mid ah labada jid ee ugu waawayn xaafadda Islii

0

(Nairobi) 05 Maarso 2021 – Jidka 1-aad ee First Avenue oo ka mid ah labada jid ee ugu waawayn ee sida jiifka ah u dhex mara xaafadda Eastleigh ee Nairobi ayaa labada todobaad ee soo aaddan loogu magac dari doonaa Yusuf Haji Road si loogu maamuso senetarkii Garissa ee geeriyoodey.

Waxay tillaabadani ku xigtaa codayn ay sameeyeen Golaha Degaanka Nairobi County Assembly oo isku raacay in jidkaa lagu maamuuso Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya.

Madaxa Aqlabiyadda Golaha Degaanka Nairobi, Abdi Guyo, oo ka mid ahaa dadkii mooshinkan riixayey ayaa sheegay inay arrinta markii hore lasoo qaadeen qaybta adeegyada magaalada ee Nairobi Metropolitan Services (NMS), oo uu hoggaamiyo Sarreeye Guud, Mohamed Badi, waxayna keeneen jidka 1-aad ee Eastleigh.

Mzee Haji oo bishii hore dhintay isagoo 80-jir ahaa ayaa 55 sanadood u shaqaynayey dalka Kenya, sida ay qorayso saxaafadda dalkaasi, wuxuuna ka mid ahaa raggii Kenya ku dhiirri geliyey inay weeraraan Somalia oo qabsadaan Kismaayo oo ay weli ku sugan yihiin.

Hadalsame Media