Arrin aanay dadku wada ogayn oo xalay ka dhacday shirkii Decal Hotel ee burburay

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2021 – Haddii aad wanaag ka sugayso Soomaali ku cibro qaado Madaxda caawa Decale fadhisa, Waayo amaankoodii, ciidamadoodii, xoghaynadoodii iyo saxaafaduba muddo ka badan 10 saacadood ayay hor fadhiyaan, iyaga oo inta badan aan wax cunin ama aan wax cabin.

Hotelka shirka lagu qabanayo koobka cabitaanka ah waa 6 doolar halka koobka shaahiga ah uu yahay 4 doollar, cuntadu waa ugu yaraan 25 doolar, waxaan tiro ka shan jeer arkayay iyaga oo madaxda shiraysa cabitaan iyo cunto loo gaynayo.

Ma jiro goob hotelka u dhaw oo ay dan yarta la socota ee mushaarka yar qaadata ay wax ka cuni karaan, qaar ka mid ah dadka sugaya natiijo ka soo baxda Shirka ayaa I waydiiyay meel ay wax ka heli karaan.

Waan hubaa caawa in in badan oo xubnaha Shiraya la socda ay caawa qatooyo ku seexanayaan.

Waxaase arrimahaas oo dhan ka sii daran, haddii shirkooda aanay ka soo bixin natiijo ay ku illoobaan gaajada ay ka qaadeen halka shirku ka soconayo.

Waxaa Qoray: Xasan Cadde oo goobta joogey

Hadalsame Media