Dhaxal-sugaha Sucuudiga oo doonaya inuu saami ka iibsado kooxda Inter Milan

0

(Milano) 03 Maarso 2021 – Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in hay’adda Public Investment Fund of Saudi Arabia ay xiise u muujinayso iibsiga kooxda Inter, halka Fortress Investment Group ay horraanba dalab u gudbiyeen milkiilayaasha Suning.

Suning ayaa raadiinaysa “jaal ku habboon” Inter iyadoo ay wararku sheegayaan in qoyska Zhang ay diyaar u yihiin inay iibiyaan saami aqlabi ah, iyagoo la xaajoonayey sharikadda Ingiriiska ah ee BC Partners balse labada dhinac ayaan heshiis gaarin maadaama ay Suning doonayso €1 bilyan oo euro.

Il Sole 24 Ore, ayaa se qoraya in haatan ay xayndaabka soo galeen sanduuqyo cusub oo doonaya inay naadiga iibsadaan, waxaana ka mid ah sharikad Maraykan ah oo la yiraahdo Fortress oo doonaysa inay bixiso qaamaha kooxda.

Yeelkeede, La Gazzetta dello Sport, ayaa isna qoraya in dhaxal sugaha Sucuudiga ee Mohammad bin Salman uu isna xiisaynayo Inter balse wuxuu doonayaa saami yar isagoo u maraya sanduuqa Saudi Public Investment Fund.

Hadalsame Media