LIX su’aalood oo ka dhalatay warqaddii xalay laga soo saaray Villa Somalia??!!

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2021 – Kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee soo baxday kaddib shirkii Decale Hotel waxaa ay keentay dhawr su’aalood oo kala ah:

1 – Miyuusan Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo wax aragti ah ku lahayn qodobadii ka soo baxay shirkii Hotel Decale ee Xukuumadda uu Rooble hogaamiyo iyo Midawga Musharixiinta?.

2 – Miyuusan RW Maxamed Xusseen Rooble wax ka ogayn shirka uu maalinta khamiista ah ku baaqay Madaxwayne Farmaajo, Maadaama uu islamaalintaas shir kale RW ku dhawaaqay in uu la qaadanayo Musharixiinta.

3 – Ma khilaaf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgalay MW Farmaajo iyo RW Rooble, mar hadii hal maalin ay wada iclaamiyeen laba shir oo kala duwan?.

4 – Sidee suurtogal ku noqon kartaa in Xubnaha Xukuumadda ugu jira guddiga qaban qaabada in ay wax ka qabanqaabiyaan banaanbax looga soo horjeedo MW Farmaajo oo waliba la ogyahay in la soo qaadan doono tabeelayaal ay ku qoran yihiin” Farmaajo ha dhaco,Kaligi taliye doonimayno IWM?.

5 – Ma waxaa jira go’aan ka dhan ah MW Farmaajo oo ay siyaasiyiinta xukuumadda iyo mucaaradku isla qaateen?. Hadii ay Maya tahay, Maxaa go’aankoodii kadib keenay in uu Madaxwaynuhu ku dhawaaqo shirka maamul goboleedyada?.

6 – Ma waxaa jira qorshe hoose oo ay madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaarihiisu isla ogyihiin oo lagu seexinayo midawga musharixiinta, si dawladdu u fuliso qorshe halis galin kara Musharixiinta?.

Maxaad ku dari lahayd oo intaas ka dheeri ah?

Waxaa Qoray: Xasan Cadde

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media