DEG DEG: ”Madaxtooyadu waxay carqaladaynaysaa wada hadalladii socdey!” – Musharrixiinta oo shir jaraa’id qabtay

0

(Muqdisho) 02 Maarso 2021 – Midowga Musharrixiinta oo goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa ka hor yimid warqaddii xalay kasoo baxday Madaxtooyada oo ku baaqaysey in Khamiista ay shir iskugu yimaadaan Madaxtooyada iyo Maamulladu.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warqadda War saxaafadeedka  akhriyey ayaa ”xagal daacin” ku tilmaamay warqadda kasoo baxday Madaxtooyada, isagoo sheegay in uu madlanaa kulan Khamiista looga wada hadli lahaa sida horay loogu wadayo geeddi socodka doorashada.

”Waxaa nasiib darro ah in Madaxwaynihii hore uu ku baaqo shir isla maalintii ay ballansanaayeen RW iyo Midowga Musharrixiinta, haddaba midowgu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wada hadalladaas oo ay ku baaqayaan in fursad la siiyo.” ayaa ku qoran qoraalka uu akhriyey Warsame.

Waxay madashu sidoo kale ku baaqeen in la isugu yimaado dibedbaxa horay loo iclaamiyey iyagoo XF ugu baaqay inaysan qayb ka noqon wax ay ku sheegeen ”tillaabooyinka lagu carqaladaynayo xasilloonida dalka.”

Arrintan ayaa weecinaysa rajadii soo baxaysey tan iyo 25-kii Febraayo iyadoo la filayey inay wax kasta ku socon doonaan si wanaagsan, iyadoo markan ay dadka qaar eedda saarayaan Madaxtooyada lafteeda.

Hadalsame Media