”Arrintaas DF waa ku fududaatay!” – Wiil uu dhalay MW Aadan Cadde oo ka hadlay arrin aad la iskugu haysto!

0

(Muqdisho) 02 Maarso 2021 – Cabdulqaadir Aadan Cadde oo uu dhalay MW ugu horreeyey dalka Somalia ayaa ka hadlay arrin la isku hayo oo ku saabsan cidda iska leh mikliyadda dhulka uu ku fadhiyo Dusgiga Hoyga Xamar oo beri dhowayd xilli habeen ah la burburiyey.

Wuxuu sheegay in Dugsiga Hooyga Xamar ay ku doodayaan in dhulkani ka mid yahay Dugsigii Xamar oo ay Dowladdu u dhiibatey, balse dhulkani aanay dowladi lahayn, sida uu sheegay isagoo ka sheekeeyey taariikhda dhulkan.

”Waxa wax boobaya waa Hooyga Xamar, balse ma aha dadka aannu dhulkan ka iibiney!”, ayuu yiri.

”Haddii aan koobo taariikhda dhulkan, waxaa iska lahaa iskaashato dhuleed oo ay lahaayeen saraakiisha booliiska meesha oo baadiye ahayd 1959-kii, waxaana la siiyey 8-dii Diseembar 1960-kii,” ayuu yiri Ina Aadan Cadde oo damiin u ah dadka dhaxlaya dhulka, isla markaana dhaliilay amarka dambe ee lagu joojiyey in dhulka iyaga lagu wareejiyo.

”5-tii Diseembar 1966-kii ayay dhulka ku wareejiyeen Cabdulqaadir Xasan Ismaaciil (Mafutta) oo ka mid ahaa madaxdii Waaxda Socdaalka iyo dadkii dhaxlay oo aan wakiil ka ahay. Xilligaas ilaa haatan dhulkaas iyagaa lahaa, dad kale oo laga gaday ma jiro.” ayuu raaciyey.

Wuxuu sheegay in xog kasta oo ku saabsan dhulkan laga heli karo diiwaannada Dowladda Hoose ee nidaamkii rayidka ahaa iyo kii milateriga ahaa oo kusoo saaray waxa loo yaqaan ”Bulletino Officiale”.

”Haddii aanan hubin in dhulkan ay si nadiif ah u leeyihiin dadka aan soo sheegay damiin kama noqdeen, waayo ma jecli waxyaabaha la isku qab qabsado. Dadka madaxda ah haddii loosoo dacwoodo waa in wax la hubiyaa.” ayuu raaciyey isagoo sheegay in Dugsiga Hooyga Xamar uusan dhulkan lahayn.

Hadalsame Media