Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday jadwalka dhegeysiga dacwadda Somalia-Kenya

0

(Hague) 01 Maarso 2021 – Maxkamadda ICJ waxay hadda ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishaan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague.

Wakhtiga dhegeysiga dacwadda oo ku bergan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya, waxaa lagala socon karaa barta Internetka ee Maxakamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.

Maxakamaddu waxay sheegtay oo kale in Covid awgiis dhegeysiga dacwaddu uu isugu jiri doono online iyo goobjoog. Xubnaha Maxkamadda qaar ayaa soo xaadiri doona, qaar kalena video online ah ayay uga qeyb geli doonaan.

Ergooyinka labada dalna waxay ahaan karaan Online ama goobjoog.

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo faahfaahsan.

Waxaa Diyaariyey: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media