Madaxwaynihii Faransiiska oo xabsi lagu xukumay & lugta oo laga xiri doono

0

(Paris) 01 Maarso 2021 – MW Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa lagu xukumay xabsi 3 sanadood ah, isagoo ku eedaysan musuq iyo wax is dhaaf dhaafin.

Ninkan 66-jirka ah ayaa lagu helay inuu laaluushey garsoore isagoo u ballan qaaday shaqo sare si biddaalka uu xog uga siiyo kiis ka dhan ahaa isla isaga Sarkozy.

Yeelkeede, MW hore ee Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu rafcaan ka qaato xukunkan, balse garsooraha ayaa sheegay in ay horta khasab tahay in Sarkozy ay khasab ku tahay inuu ugu yaraan sanad xabsi guri galo iyada oo lugta looga xiri doono taag elektaroonig ah oo qaylinaya haddii uu bax is yiraahdo.

Waa tillaabo naadir ah marka la eego hannaanka cadaaladda Faransiiska casriga ah, waayo MW qura ee kiis noocan ah horay ula kulmay waa Jacques Chirac, kaasoo 2 sanadood lagu xukumay 2011, kaasoo lagu qabsaday shaqooyin uu qaab musuq ah u siiyey Paris City Hall markii uu ahaa Duqa Magaalada Paris.

Chirac ayaa geeriyoodey 2019-kii.

Hadalsame Media