DEG DEG: Madaxtooyada oo iclaamisay goorta la qabanayo shirka lagu saxiixayo heshiiska doorashada (Dhinacyo ka maqan)

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2021 –  Madaxtooyada Somalia ayaa soo saartay War Saxafaadeed ay ku iclaaminayso goorta la qabanayo shirka lagu saxiixayo heshiiskii Baydhabo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu bilaabay war haatan kasoo baxay Villa Somalia.

“Kulankan halka maalin ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada ay isla meel dhigeen shirkii Baydhabo ee 15-16 Febraayo 2021, kaasoo xal looga gaaray tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgalinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Ayaa lagu soo af jaray.

Waxaa meesha ka maqan dalab ay musharrixiinta iyo bulshada rayidku ku doonayeen inay shirkan qayb ka noqdaan, waloow lagu wado inay musharrixiintu isla maalintaa la kulmaan RW Rooble.

Hadalsame Media