XOG: Maxaa ka jira in heshiiskii Decale Hotel uu ku jirey qodob dadwaynaha laga qariyey?!! (Muxuu dhigayaa?)

0

(Muqdisho) 28 Feb 2021 – Waxaa Khamiistii heshiis 6 qodob ka koobnaa Decale Hotel ku kala saxiixday XF iyo Midowga Musharrixiinta, iyadoo uu RW Rooble sidoo kale booqday Hotel Jazeera oo lagu tilmaamo qalcadda musharrixiinta.Haddaba, waxaa la is waydiinayaa waxa keenay isfahamkan oo dhinacyada u fududeeyey inay markiiba is fahmaan?!

”Haddii la waydiiyay xubnaha midawga musharixiinta, marka laga reebo War Saxaafadeedkii soo baxay, maxay ahaayeen qodobada hoos la isugu dhigay ee dhinacyadu ku qanceen, waxaa ay ku leeyihiin, waxaa la sugayaa warqad ka soo baxda Xafiiska Madaxwaynaha oo uu awooda fulinta iyo hirgalinta doorashada ugu wareejinayo RW Rooble taas oo la doonayo in muddo shan maalmood ah aanay ka badanin.” ayuu yiri Weriye Xasan Cadde oo ka mid ahaa weriyeyaashii goobjoogga u ahaa shirkii Decale.

Si kastaba, waxaa loo dheg taagayaa sida loo fulinayo heshiisyada la gaarey kuwo cad iyo kuwa caad ahba, iyadoo uu muuqdo faham ah in haddii horay loogu socdo dhanka jihada doorashada 2021 aan loosii baahan doonin dibedbaxyo iyo cadaadisyo kale, taasoo ah arrin ay sidoo kale dabada ka riixayso beesha caalamku.

Waxaa sidoo kale loo dheg taagayaa sida uu isu bedelo fan-hadalka siyaasiga ah ee Madaxtooyada iyo musharrixiinta, iyadoo ay jiraan dad ku dhow dhow Madaxtooyada oo baraha bulshada ku faafiya hadallo ay mas’uuliyadda iyo xilkasnimadu ku yar yihiin iyo dad musharrixiinta ka tirsan ama ku dhow oo ku hadla kelmado aan siyaasad ahaan haboonayn.

Hadalsame Media