Turkiga oo bilaabay samaysiga quwadda nukliyeerka & tirada curiyeyaasha uu dhisayo + Sawirro

0

(Ankara) 28 Feb 2021 – MW Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa todobaadka soo aaddan waxay munaasabad khadka ah uga qayb gelayaan dhagax dhigga curiyihii 3-aad oo soo saara tamarta nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga Turkiga.

Wasiir Fatih Dönmez ayaa sheegay in curiyaha Akkuyu Nuclear Power Plant la dhagax dhigayo 10-ka Maarso, kaddib markii ay shatiga heleen bishii Nofeembar ee sanadkii tegey.

Erdoğan iyo Putin ayaa horay uga qayb galay xafladdii dhagax dhigga curiyaha 1-aad ee Akkuyu NPP bishii Abriil, 2018, iyadoo ay labada dal ay wada galeen heshiis ay isku dhaafsanayaan tiknolojiyadda nukliyeerka nabdoon bishii Maajo 2010-kii.

Guud ahaan Turkiga ayaa doonaya inuu dhisto 4 curiye, waxaana midka 1-aad lagu wadaa inuu shaqo bilaabo 2023 oo ku beegan 100-guurada Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga, iyadoo ay mashruucan ballaaran ka shaqaynayaan ilaa 7,000 oo qofood.

3-da kale ayaa la doonayaa inay shaqa bilaabaan 2026-ka, iyagoo isku gayn ahaan soo saari kara koronto dhan 4,800 megawatts (MW). Dhismaha curiyaha 2-aad ayaa bilaabmay bishii Juun ee sanadkii tegey ee 2020.

Marka la dhamaystiro waa inay sanadkii soo saaraan 35 bilyan oo kilowatt-hours (kWh). Turkiga ayaa sanadkii tegey isticmaalay 305 bilyan oo kWh, taasoo ka dhigan in 4-ta curiye ay dabooli doonaan 10% ka mid ah korontada Turkigu u baahan yahay.

Waxaa mashruucan oo uu Turkigu qayb ahaan uga maarmi doono tamarta dibedda laga keeno sida tan gaaska dabiiciga ah, ku bixi doonta $20 bilyan oo doollar (TL 148.5 bilyan oo liire).

Hadalsame Media