Sucuudiga ayaa kaddib markii lagu tiray khaarajintii Jamaal Khashuuqji dhibaato ka wajahaya dhinac kale

0

(London) 28 Feb 2021 – Kaddib markii ay hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee CIA ay soo saartay warbixin kashifaysa in dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Amiir Mohammed bin Salman uu amray qalitaankii loo gaystey Jamaal Khashuuqji, waxaa UK kasoo yeeraya baaqyo ku aaddan joojinta hubka laga iibiyo dalkaasi Sucuudiga Carbeed.

Britain waa dalka 2-aad ee hubka ugu badan ka iibiya Sucuudiga kaddib Maraykanka, wuxuuna dalkaa ka iibiyey hub ku kacay £4.7bilyan oo gini ($6.5bilyan oo doollar) tan iyo bilowgii dagaalka Yaman, Maarso 2015.

Hay’adda Ingiriiska ah ee Oxfam, oo dhowaan UK ku eedaysay inay shidayaan colaadda Yaman iyagoo taa u maraya hubaynta Riyaad, ayaa dowladda UK ugu baaqday inay hakiso hub ka iibinta Sucuudiga.

“Xilli uu Maraykanku u muuqdo mid dib u eegaya xiriirka uu la leeyahay Sucuudiga, waxaannu Dowladda UK ku boorrinaynaa inay sidoo kale yeesho oo ay joojiso hubka ay siinayso Sucuudiga ee shidaya colaadda Yaman.” ayuu yiri Mushin Siddiquey, oo ah Agaasimaha Oxfam ee Yaman oo la hadlay Middle East Eye.

Dagaalka Yaman ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 233,000 oo qof, kuwaasoo 131,000 ka tirsani aanay toos shuqul ugu lahayn dagaalka.

Hadalsame Media