Turkiga oo ku guulaystey tijaabada gantaal kul-raadis ah oo la saari karo gawaari ay haatan Somalia haysato + Sawirro

0

(Ankara) 27 Feb 2021 – Gantaalka joog hoose ee Sungur oo ah kuwa dayuuradaha dila ayaa ku guulaystey inuu si sax ah oo far fiiq ah u toogto bartilmaameed socda, sida ay sheegtay Dalladda Wershadaha Hubka dalkaasi ee SSB.

Guddoomiyaha SSB, Ismail Demir, ayaa sheegay in gantaalkan oo ay samaysay Roketsan, uu xoojinayo cududda Turkiga marka la eego lakabyada kala duwan ee daafaca cirka, iyadoo lagu qalabaynayo ciidanka cirka, dhulka iyo badda maadaama ay sahlan tahay in uu guur guuro.

Gantaalkan ayaa awood u leh inuu bartilmaameed socda toogto isaga laftiisa oo saaran gaadiid socda, isagoo ku fiican garashada bartilmaameedka isla markaana wax ka arkaya 360 digrii habeen iyo maalinba. Sidoo kale wuxuu toogan karaa jihooyin kala duwan hal mar.

Sungur waa gantaal wax ku oolnimadiisu sarreeyso oo leh tayooyin iyo muuqaallo ay ka mid yihiin hab-dhaqaaq sare, madaxyo titanium ah iyo aragti u saamaxaysa in bartilmaameedka laga arko meel durugsan. Wuxuu sidoo kale leeyahay ka daba tag, haddii la kediyo.

Wuxuu gantaalkan oo ah nooca dhul-ka-cir uu ciidamada dhulka jooga ka daafici karaa bartilmaameedyada dhow sida gantaalaha kuruuska ee soo hoobanaya, dayuuradaha daroonka (UAV), dayuuradaha dhow iyo kuwa qumaatiga u kaca.

Hannaanka gantaalkan ay Roketsan samaysay ayaa leh laba rako oo kala jeesan kara oo laga rido gantaalaha lagu hago aaladda kul-raadiska ah ee infrared (IR).

Waxaana midka haatan lasoo dhigay uu saaran yahay gaariga gaashaaman ee Vuran 4×4 oo ay samaysay isla shirkadda Turkiga ah ee BMC oo ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay haatan haystaan ciidanka Somalia.

Gaari gaashaaman oo BMC ah oo  ay leeyihiin Ciidanka Amaanka Somalia oo taagan Daljirka Dahsoon
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-07-01 10:19:46Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Hadalsame Media