DF oo markii ugu horreeysey shati rasmi ah siisay shirkad leh hannaanka lacag xawilaadda mobaylka (Waa tee?)

0

(Muqdisho) 27 Feb 2021 – Bankiga Dhexe ee Somalia ayaa maanta bixiyey shatigii ugu horreeyey ee lacagta mobaylka lagu bixiyo taasoo la siiyey Hormuud Telecom Somalia Inc, waana qorshe la doonayo in lagu dhijitaaleeyo hannaanka kala wareegsiga lacagta oo la waafajinayo heerka dunida.

Hormuud Telecom, oo Somalia ka shaqo bilowday bartamihii 90-meeyadii ayaa haysata macaamiil ka badan 3.6 milyan, iyadoo ay qiyaastii 3 milyan oo ka tirsani ay adeegsadaan  EVC Plus.

Maadaama shati la siiyey EVC Plus, wuxuu hadda kaddib u hoggaansami doonaa xeerka dalka, taasoo sare u qaadi karta amaanka iyo isku hallaynta hannaankan.

Hadalsame Media