Dayac & darayo ka taagan goobaha lagula tacaalo cudurka Covid-19 & DF oo aan wax tillaabo ah qaadin

0

(Muqdisho) 26 Feb 2021 – Cudurka COVID-19 ayaa kusoo laba kacleeyey dalka Somalia oo leh mid ka mid ah kaabayaasha caafimaad ee dunida ugu liita, iyadoo haatan oo saami baaris loo diray la sugayo in la xaqiijiyo inuu halkaa gaarey nooca cusub ee dhalanka rogan oo ka faafi og midkii hore.

Isbitaalka qura ee si rasmi ah loogu tala galay inuu la tacaalo cudurka COVID-19 ee Martini ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 50 qofood wax ka yar 2 todobaad iyo bar, sida uu AP u sheegay Agaasime Xigeenka isbitaalka Saadaq Aasan Xuseen, halka ay soo kabteen 62 qofood.

Wuxuu sheegay in markii hore haddii 100 qof cudurka laga baaro 30 ka tirsan laga heli jirey, balse haatan boqolkaba laga helayo haddii 100 qof la baaro, iyadoo ay tirada kiisaska oo ahaa 4,784 ay mar qura u boodeen 6,549 bishan oo qura. Waase inta la diiwaan geliyey ee dhimashada iyo kiisaskuba intaa aad bay uga badan yihiin.

Somalia, ayaa sida dalal kale oo Afrikaan ah oo ay madaxdoodu dayaceen aan weli helin hal kuuro oo tallaalka Covid-19 ah, waloow woxoogaa deeq ah la sugayo bilowga bisha soo aaddan ee Maarso.

Dad caan ah ayaa beryihii yaraa ee dambe Muqdisho ugu dhintay cudurka sida fannaanad Faaduma Cali Nakruma iyo caalimkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

ADEEG XUMO & DAYACAAD – Sida ay Hadalsame u sheegeen dad ay ehelo uga jiraan ama uga dhinteen Isbitaalka Martini waxaa la xaqiijiyey in xitaa aan qofka loo heli karin ogsijiin ku filan, iyadoo dadka lacagta haystaa ay soo iibsadaan ogsijiin qaali ah oo halkii boombale la iibiyo ilaa 400 oo doollar, halka dadka qaar loo qaado isbitaallo gaar ah oo iyaguna qaali ah.

DF ayaa Covid-19 u adeegsata sababo ay ku baajiso dibedbaxyo iyada ka dhan ah, balse ilaa haatan ma jirto hal tillaabo oo ay u qaadday isku duwidda iyo dumidda koox-howleed la tacaala cudurka ama tas-hiilaad wax looga qabto adeeg xumada ka jirta isbitaallada.

Hadalsame Media