Xogihii ugu dambeeyey shirka Decale Hotel (Laba qodob oo lagu heshiin rabo)

0

(Muqdisho) 21 Feb 2021 – Waxaa weli soconaya shirka Decale Hotel kaasoo u dhexeeya RW XF, Midowga Musharrixiinta iyo Maamul-goboleedyada.

Wararka haatan halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in laba qodob oo hordhac ah lagu heshiin karo kuwaasoo kala ah:

1 – In ay XF raalli gelin ka bixiso wixii dhacay 19-kii Febraayo oo lagu weeraray ama xabadeeyey madax ka tirsan musharrixiinta iyo dad shacab ah.

2 – In musharrixiintu ay qayb ka noqdaan shir kasta oo lagaga hadlayo arrimaha doorashada madaxtinnimada dalka ee 2021.

Haddii lagu heshiiyo isla hoteelka ayaa shir jaraa’id lagu qaban doonaa i/A.

Hadalsame Media