”Waxaa jira dad kala tirsan DF Somalia & mucaaradka oo ku dedaalaya in lasii kala fogaado!” – Dhegeyso

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 – Xubnaha Ururadda bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan dhinacayada DF Somalia iyo Midowga Musharaxiinta.

Muxudiin Cismaan Shaatax oo ah Guddoonka Bulshada Rayidka ayaa sheegay inay sahminayaan in waxyaabaha la isku hayo is afgarad laga gaaro, maadaama haddii wada hadal la diido aysan iman karin in la is ogolaado.

Shaatax ayaa farta ku godey in marka uu si guud u eego waxyaabaha xaaladda cakiraya uu kusoo koobi karo inay hal arrini ugu wayn tahay.

”Marka aad dhanka DF eegtana waxaa jira dad iyaga ka tirsan oo aad ugu dedaalaya in lasii kala fogaado, dhinaca kalena waa suurtagal ah inay jiraan dad noocaas ah. Cakirnaantaasina waxay abuuraysaa in aan xal la gaarin,” ayuu yiri Shaatax oo VOA la hadlay.

”Yaan dadka lagula soo laabanin khilaafka siyaasiyiinta ka dhexeeya oo yaan dadka la qaybinin oo aan meesha laga saarin kalsoonidii umadda.” ayuu raaciyey.

Waa markii ugu horreeysey ee ay Bulshada Rayidku isku dayaan inay dhinacyada dhexdhexaadiyaan, iyadoo aanay jirin dhexdhexaadin hore oo micne leh oo la isku dayey.

Hadalsame Media