”Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay farxad ku seexda xorriyadda hadalkuna waa dastuuri” – RW Rooble (Musharrixiinta qaar oo iyaguna hadlay)

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 – Waxaa heshiis lagu gaarey shirkii ka soconayey Decale Hotel kaasoo u dhexeeyay RW XF, Midowga Musharrixiinta iyo Maamul-goboleedyada.

Waxaa madashii heshiiska lagu gaarey ee bayaanka laga soo saaray ka hadlay RW Rooble iyo MW hore ee dalka soo maray sida Shariif iyo Xasan Sheekh.

”Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa idiin maqannahay, nagu seexda waa noo muhim xorriyadda hadalka, mudaaharaadku waa waajib dastuuri ah, waxaa iyadana waajib in ciddii mas’uul ah lagala shaqeeyo sidii uu nabad ugu dhici lahaa. Inta qodob ee bayaanka ku qoranna waa isku wada raacnay,” ayuu yiri RW Maxamed Xuseen Rooble oo xiritaanka shirka ka hadlay.

”Waxaan dadka wanaagsan u sheegayaa inay caawa farxad ku seexdaan oo wax la isla ogol yahay lagu dhaqaaqi doono. Horay ayaan ugu caana maalnay haddana waan ku caana maalaynaa,” ayuu yiri MW hore Xasan Sh. Maxamuud.

”Waxaa jirey wada hadallo halkan maanta ka dhacay, balse horay usoo socdey. Waxaa horay loo qaaday tillaabo fiican. Waa la kala aragti duwanaan karaa, balse waa in horay loo socdo waxaana lagu kala baxaa dastuur iyo sharci.” ayuu yiri MW hore Shariif Sh. Axmed oo sheegay inay doonayaan oo kaliya in la dhowro xorriyaadka iyo sharciyada dalka.

 

Hadalsame Media