RASMI: DF & Musharrixiinta oo gaarey heshiis ka kooban 6 qodob (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 – Waxaa heshiis lagu gaarey shirkii ka soconayey Decale Hotel kaasoo u dhexeeyay RW XF, Midowga Musharrixiinta iyo Maamul-goboleedyada.

”Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa idiin maqannahay, nagu seexda waa noo muhim xorriyadda hadalka, mudaaharaadku waa waajib dastuuri ah, waxaa iyadana waajib in ciddii mas’uul ah lagala shaqeeyo sidii uu nabad ugu dhici lahaa. Inta qodob ee bayaanka ku qoranna waa isku wada raacnay,” ayuu yiri RW Maxamed Xuseen Rooble oo xiritaanka shirka ka hadlay.

”Waxaan dadka wanaagsan u sheegayaa inay caawa farxad ku seexdaan oo wax la isla ogol yahay lagu dhaqaaqi doono. Horay ayaan ugu caana maalnay haddana waan ku caana maalaynaa,” ayuu yiri MW hore Xasan Sh. Maxamuud.

”Waxaa jirey wada hadallo halkan maanta ka dhacay, balse horay usoo socdey. Waxaa horay loo qaaday tillaabo fiican. Waa la kala aragti duwanaan karaa, balse waa in horay loo socdo waxaana lagu kala baxaa dastuur iyo sharci.” ayuu yiri MW hore Shariif Sh. Axmed oo sheegay inay doonayaan oo kaliya in la dhowro xorriyaadka iyo sharciyada dalka.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ugu wayn in ay DF raalli gelin rasmi ah ka bixisay dhacdadii 19-kii bishan lagu rasaaseeyey madax iyo dad shacab, iyadoo weliba dhacdadaas loo saarayo guddi madax bannaan oo soo baara.

Waxaa la isla gartay in ay dadku xaq u leeyihiin inay ku dhaqmaan xuquuqda dastuuriga ah oo ay dibedbixi karaan amaba isu soo bixi karaan sida uu qabo Qodobka 20-aad ee Dastuurka Dalka, balse dib loo dhigo dibedbixii berri oo Jimce ah ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.

Bannaanbax ay DF amaankiisa sugayso ayaa se qabsoomi doona muddo 10 cisho gudohood ah, iyadoo ay DF iyo musharrixiintu isku afgarteen inay si dhow u wada shaqeeyaan.

Hadalsame Media