Maxaa ka cusub kulan la filayo inay yeeshaan XF Somalia iyo xubnaha mucaaradka ah?

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta loo ballansan yahay kulan dhexmara ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharraxiinta mucaaradka ah.

Kulanka ayaa loo badaniyaa inuu ka dhici doono huteelka Decale ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo ah mid ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho dedaallo dhinacyo badan oo lagu dejinayo xiisadda ka dhalatay iska hor imaadkii caasimadda ka dhacay Jimcihii hore.

Midowga musharraxiinta macaaradka ayaa Arbacadii ku adkeystay in dibedbax kale ay qaban doonaan Jimcaha beri ah, kaasoo oo ka dhan ah xukunka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

BBC-da ayaa fahansan in mucaaradka ay doonayaan in kulanka ay la tagaan qodobo ay kamid yihiin in xukuumadda ra’iisal wasaare Rooble ay raaligelin ka bixiso wixii dhacay Jimcihii hore iyo in ay kaalin ku yeeshaan shirka looga arinsanayo doorashada Soomaaliya.

Kulanka loo ballansan yahay ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo dhiggiisa Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kulan la qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay bartiisa Facebook ku sheegay in guul oo ka rajeynayo kulanka maanta.

“Guul iyo is-afgarad ayaan ka rajeynaynaa shirka berito inshaa’allah. Waa ku mahadsanyihiin dhamaan intii ka soo shaqeysay!” ayuu sheegay Mahad Salad.

Mudaharaadka Jimcaha

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in dibedbaxa ay ku baaqeen Jimcaha uu dhici doono, halka xukuumadda ra’iisal wasaare Rooble ay mamnuucday dhammaan isu soo baxyada.

Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale, ayaa sheegay in dowladda aysan aqbaleyn in banaanbax lagu qabto Muqdisho arrimo ay kamid yihiin amniga iyo cudurka Karoona dartood.

Lama oga in kulanka maanta loo ballansan yahay ay dhinacyada ku heshiin doonaan in dibedbaxa la baajiyo.

Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Dedaallada beesha caalamka

Dhanka kale xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dedaallo ay ku qancinayaan maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.

Jibril Cali Aw Maxamed oo culuunta Afrika ka dhiga jaamacadda Ohio ayaa qaba in Beesha Caalamka ee ku lugta leh Soomaaliya aanay sidii hore ahayn.

“Doorashooyinkii hore waxaa gacanta kula jiri jiray beesha caalamka oo kaalin muuqata ku lahaan jirtay. Beesha caalamka hadda waxaa ku dhacay isbedal oo Igad, gaar ahaan Itoobiya dhibaato ayaa dhaxdeeda ka taagan. Maraykanka iyo Ingiriiskana dhibaatooyin u gaar ah ayaa soo maray oo bedalay hadafkooda. Marka beeshii caalamka ayaa kala aragti ah marka laga hadlayo arimaha Soomaaliya,” ayuu yiri Jibril.

Aqoonyahankan ayaa rumaysan in faragelinta beesha caalamka ay lama huraan tahay.

“Inta badan beesha caalamka waxa ay aaminsan yihiin in arimaha Soomaaliya Soomaalida faraha looga qaado, oo ay go’aan ka gaaraan sida masiirkooda ay ka yeelayaan, halkii markii hore ay ahaan jirtay in wax loo yeeriyo Soomaaliya. Wey soo faragelin doontaan, balse saameyntii hore ma yeelan doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xigasho: BBC Somali

Hadalsame Media