Imaaraadka oo soo saaray gantaal Markab-dile ah oo guuxiisa ka dheereeya + Sawirro

0

(Abuu Dabeey) 25 Feb 2021 – Sharikadda Imaaraatiga ah ee HALCON oo farsameeysa hubka la hago ayaa soo saartay gantaal Markab-dile ah AntiShip-250 (HAS-250) oo nooca kuruuska ah kaasoo lagu soo bandhigay carwada caalamiga ah ee caasimadda Imaaraadka ee Abuu Dabeey oo soconaysa 21-25 bishan oo maanta ah.

Gantaalka HAS-250 oo ay Imaaraadku naqshadeeyeen soona saareen waa nooca dhul-ka-dhul ah isagoo ku soconaya xawaare uu 0.8 jeer guuxiisa uga dheereeyo isla markaana wax ka dili kara ilaa 250 KMMach, wuxuuna bartilmaameedkiisa beegsanayaa isaga oo ku socda joog hoose oo aan ka badnayn 5 mitir badda dusheeda si aannu raadaarku u arag.

Gantaalkan ayaa ka faa’iidaysan kara hagitaanka dayax-gacmeedyada iyo hagitaanka neg ee loo yaqaan GNSS + INS, sida uu sheegay Saeed Al Mansoori, Agaasimaha Guud ee HALCON oo ku faanay inay soo saareen hub casri ah oo misna maxalli ah.

Hadalsame Media